Akaadiimiyadda & Hanaankeeda Waxbarashada
Akaadiimiyadda Culuum waxay bixinaysaa waxbarasho ku jaango’an aqoonta heerka dugsiga sare.
Ardayda Akaadiimiyadda Culuum waxay si isku mid ah u qaadanayaan culuumta maaddiga ah iyo kuwa Islaamiga ahba, si loo soo saaro arday labada dhinacba si wanaagsan uga dhisan.
Manhaj ahaanna, inkastoo akaadiimiyaduhu ay qayb ka yihiin manhajka guud ee ka shaqaynaya dhulka ay ka howl galayaan, hadana waxaa u gaar ah inay leeyihiin manhaj si gooni ah xoogga u saaraya qaybo ka mid ah aqoontii uu ardaygu ka heli lahaa dugsiga sare, ama maadooyinkii uu dugsiga sare ku qaadan lahaa. Waxaa akaadiimayadaha mahjakoodu ku salaysan yahay tayaynta dhinacyo gooni oo waxbarashada ka mid ah; tusaale ahaan, in soo gooni xoogga loo saaro tayaynta moodooyinka Sayniska.
Faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta hanaanka waxbarashada akaadiimiyadaha Linkigaan ka akhri.
Waxaa xusid mudan in go’aaminta maadooyinka sida gaarka loo tayaynayo ay hadba ku xiran tahay baahdida ka jirta bay’adda laga samaynayo akaadiimiyadaas.
Ayadoo arrimahaas tixraac laga dhiganayo ayaa Akaadiimiyadda Culuum waxaa loo aasaasay inay si gaar ah dhinac uga tayayso barashada Sayniska, diraasaadka Islaamiga ah, luuqadaha (Carabiga & English-ka), iyo cilmiga kumbiyuutarka. Dhanka kalena inay soo kordhiso maadadada cilmiga Mandiqa ama Formal Logic oo ka caawinaysa ardayga inuu qaab cilmiyaysan u fakaro maadaama uu yahay arday loo diyaarinayo inuu u gudbo heerkii jaamacada.
Si waxbarahso tayaysan ay u helaan ardaydeeda, waxay Akaadiimiyadda Culuum hirgalanaysaa labo tilaabo oo kala ah:
1- Tayaynta manhajka. Tusaale ahaan, si loo tayeeyo barashada luuqadaha ajnabiga ah ee ardayga uu qaadanayo, waxay Akaadiimiyadda Culuum raacaysa manhajka baritaanka luuqadaha ee loo yaqaan Common European Framework of Reference for Languages oo loo soo gaabiyo CEFR.
2- Waxbarasho ay dhaqangalin weheliso oo ku salaysan hanaanka loo yaqaan “Experiential Learning” oo ah in ardayga la baro sidii uu isugu xiri lahaa aragtida cilmiga ah “Theory” iyo dhaqangalinteeda “Practice”, oo mafaahiimta cilmiga ah ee ardayga afka looga sheegayo la tuso qaabkii loo dhaqangalin lahaa. Habraacaan wuxuu ahmiyad gaar ah u leeyahay barashada Sayniska. Sidaas daraadeed ayaa Akaadiimiyadda Culuum u diyaarisay ardayda agabkii ay ku tabobaran lahaayeen oo ku dhaqangalin lahaayeen aragtiyaha cilmiga ah ee ay maadooyinka Sayniska ku qaadanayaan.